Weerar Jid-gal ah Oo Lagu Laayay Saraakiil Ka tirsan Ciidamada Jubbaland

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 10-xubnood oo isugu jira Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa lagu dilay kadib markii la la eegtay qarax miino saacadihii la soo dhaafay..

Sida ay muujinayaan Warbixinada, weerarkaan ayaa ahaa jid-gal oo Mas’uul Adigaa ay dusha saarsadeen horjoogasha maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka, falkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Afmadow iyo Qooqaani. Waxaana la sheegay in Ciidamada la qarxiyay ay qaarkood dhaawacyo ka soo gaareen miinadaasi.

Kooxda Shababka ayaa tafaasiil kooban ka soo saartay sheegatayna “iney Askar badan ku disharmonie”, ilaa hadda ma jiraan war ka soo baxay Dhanka Talisyada Ciidamada Maamulka Jubbaland, oo xiliyadaan dambe xoojiyay howlgalo lagu sugaayo Amaanka maadama Dalku isku diyaarinaayo Doorasho.

121600cookie-checkWeerar Jid-gal ah Oo Lagu Laayay Saraakiil Ka tirsan Ciidamada Jubbaland