Midowga Musharixiinta Oo Gudbinaaya Liiska Guddiyada Doorashada Ee Laga Qeyliyay

Somalia news

Iyadoo maanta ay ku ekeyd mudadii loo qabtay in lagu soo gudbiyo heshiiskii Xalinta Khilaafka Doorashada, kaasoo dhigaayay in Liiska Guddiyada Doorashada laga saaro Xubnaha lagu Eedeeyay iney ka tirsan yihiin Madaxtooyada, NISA iyo Shaqaalaha Dowladda…

Heshiiska laguna sheegin cidda soo gudbineysa Liiska cabashada laga qabo, Laakin Xuuraanka Warsidaha Diinah.con news helay Ayaa tilmaamaya in Midowga Musharaxiinta laga rabo iney soo gudbiyaan Liiskaasi, waxeyna yeesheen xalay shirkooda u horreeyay yeeshay kadib markii la saxiixay heshiiska doorashooyinka, iyagoo boggaadiyay dadaalkii iyo doorkii Ra’iisul Wasaare Rooble ka qaatay shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka.

Arrimaha kale ee xubnaha Midowga Musharaxiinta ka hadleen waxaa ka mid ahaa arrinta xubnaha Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka, iyagoo talo bixin ay ku sameyn doonaan xubnaha guddiga ku jira ee shaqaalaha rayidka ee dowladda, ciidamada iyo taageerayaasha baraha bulshada ee dowladda ay la wadaagi doonaan Ra’iisul Wasaare, si wax ka bedel loogu sameeyo xubnaha guddiga ee muranka ka taagnaa.

121660cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Gudbinaaya Liiska Guddiyada Doorashada Ee Laga Qeyliyay