Rooble Oo Lagu Eedeeyay Inuu Garab La Saftay Khilaafka Doorashada Somaliland

Somalia news

Waxaa in muddo ah taagnaa Khilaafka u dhaxeeya Garabyada ay kala Hogaamiyaan Gudoomiyaha Aqalka Sare (Cabdi Xaashi), iyo Kuxigeenka Wasiirka 1-aad (Mahdi Guuleed), Khilaafkaan Ayaa Salka Ku haya Guddiyada Doorashada Ee Wakiilada Somaliland…

Prof.Kabire oo ku xeel dheer Arrimaha Siyaasada Somalia ayaa sheegay in “Rooble uu khalad weyn galay Shalay markii uu la saftay garab ka mid ah dhinacyada isku haya Guddiyada Doorashada Somaliland, Sidii uu ula dhaqmay Gudoomiyaha Aqalka Sare ma ahan wax damiirku aqbali karo”.

Xogo Ayaa tilmaamaya inuu jiray Heshiis u dhaxeeya Saamileyda Siyaasada kulankii u dambeeyay ee ay ku yeesheen Khadka Zoom-ka, iyadoo lagu taageeray howsha uu wado hadii ay ku adkaatana uu dib la-tashi ugu celiyo Madasha Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada, inkastoo uu gaaray go’aan halis gelin kara Heshiiska la gaaray Ee Doorashada.

Waxaa la filayaa in maalinta Jimcaha Ee soo socota ay wada kulmi doonaan Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si looga wada xaajoodo Khilaafka Doorashada Ee Somaliland, iyo Guddiyada 3-da Dhinac ka kooban, waxaana lagu wadaa in 3-da Xubnood ee Rooble meesha laga saaro oo 8-da xubnood ee Garabyadaan ay doortaan Gudoomiye cusub, Waxaa qorneyd inuu Rooble ku ceeboobo xalinta xiisadaan.

133690cookie-checkRooble Oo Lagu Eedeeyay Inuu Garab La Saftay Khilaafka Doorashada Somaliland