Kufsi Lagu Eedeeyay Macallin Dugsi Oo lagu Waayay Kiiskii & Xukun Maxkamadeed

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Maxkamada Gobolka ay soo saartay xukun ay ka beri yeeshay Eedeyaane Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu soo oogay Kufsi Gabdho yar-yar oo Dugsiga dhiganaayay…

Kiiskaan oo ay Bunbuunisay Shaqsiyada ku magacaaban Taliye kuxigeenka Boliiska Zakia Xuseen isla markaasna Macalin Shuceyb Cabdi Maxamuud oo 27-sano jir ah lagu soo oogay Dacwada inuu kufsaday 3-Gabdhood oo laba 9-sano jir ah mida kalena 7-sano jir ah, iyadoo baaris dheer kadib 18–kii bishaan Maxkamada la hor keenay Eedeysanaha lagu waayay kiiska.

Waxaana shir jaraa’id qabtay Hooyooyinka Gabdhaha dhalay kuwaasoo raali gelin siiyay Macallinka la eedeeyay, wuxuuna sheegay in wixii ku dhacay ay Qadar Alle aheyd isla markaasna uu cafiyay Dadkii ka dambeeyay faafinta beentaasi, Muwaadiniin Soomaaliyeed intooda badan ayaa aaminsan in arrimahaan ay yihiin qorshayaal lagu doonaayo in lagu sumcad dilo Dhaqanka Soomaalida isla markaasna la meel mariyo xeerka Jinsiga.

232420cookie-checkKufsi Lagu Eedeeyay Macallin Dugsi Oo lagu Waayay Kiiskii & Xukun Maxkamadeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com