Buundada Degmada Baardheere oo laga cabsi qabo iney Burburto…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Buundada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in laga cabsi qabo iney burburto, kadib markii Wabiga Jubba uu biyo badan keenay, iyadoo Dadka Degaanka ay dareen feejignaan ah ka muujiyay Buundada oo muhiim u ah isu socodkeeda…

Waxey Dadka Degaanka ay codsadeen Dowlad Goboleedka Jubbaland, Federaalka iyo Hey’adaha Samafalka iney gurmad la soo gaaraan sidii loo badbaadin lahaa Buundada si aanay u dumin loona yareeyo welwelka ay ka qabaan saameynta ka dhalan karta waa sida ay hadalka u dhigeen Odayaasha Dhaqanka.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Baardheere ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo Doomaha qoriga lagu wado sabab la xiriirta halista ay kala kulmi karaan Daadadka rogmanaya ee ka dhashay fatahaadda Webiga iyo Roobabka Dayrta.

Halka Doomaha matoorka leh ee awoodda u yeelan kara haddii halis ay la kulmaan in ay tagaan goobaha fog-fog ee ka badqaba halistaas ayaa keliya loo ogolaaday si loogu adeegsado howlihii ay hayeen doomahaas la joojiyay adeegsigooda.

286160cookie-checkBuundada Degmada Baardheere oo laga cabsi qabo iney Burburto…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com