Turkiga & Qatar Oo Loogu Baaqay Iney Faraha Kala Baxaan Siyaasada Arrimaha Gudaha Somalia

Somalia news

Maamulada Ankara iyo Dooxa ayaa si indha la’aan ah waxey taageero dhinacyo badan u muujiyeen Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, iyagoo dib u Doorashadiisa Xafiiska Villa Somalia dhaqaale u fidiyeen, waxaana muuqata in Taageerada Dowladahaan ay khalkhal Siyaasadeed iyo mid amni ku keeni doonto Somalia…

Horumar mise Halis Hor leh:-

Sida ay Xogaha muujinayaan Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ayaa labadaan Dal weydiistay taageero dhaqaale, hub, Drones iyo Ciidamo, iyadoo Dalka ay ku sugan yihiin 500 Oo Ciidamo ka tirsan kuwa Turkiga Oo Ku jooga iney Tababarayaal yihiin iyo kuwo ilaaliya Dhismaha Safaarada iyo Dugsiga Tababarada Turkish-Som, waxaana shaki laga muujiyay dhaqaale iyo hubka Dalka la soo geliyay.

Xasilooni darada siyaasadeed ee xiligan ka jirta dalka Somalia ayaa iyaduna ah mid aan la aqoon halka ay salka dhigan doonto hadii Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto inuu boobo Doorashada hadda socota, isagoo si weyn dadaal ugu galay in Maamulada Galmudug, Konfur Galbeed iyo Guddiyada Doorashada ugu boobo lahaayeen ilaa haddana loo soo saaray Xubno Dembiyo loo heysto iney Xildhibaano noqdaan si ay xasaanad u helaan.

Mr.Farmaajo oo dadaal xoogan ugu jira siduu markale xilka ugu soo noqon lahaa ayaa doonaya xiriiradan Turkiga & Qatar inuu u adeegsado ololihiisa doorashada, isagoo ka gadaya inuu Awoodo inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee hirgelin kara heshiisyada ay dowladiisa la gashay Wadamadaan.

Dowladahaan ayaan weli ka hadlin eedaha loo jeediyay ee ah iney ku milmeen Siyaasada Arrimaha gudaha ee Somalia, iyadoo Danjirayaasha Turkiga iyo Qatar ay si joogto ah uga soo muuqdaan Shaashadaha TV-ga Dowladda Federaalka, isla markaasna culeysyo ku saara Siyaasayiinta iyo Odayaasha Dhaqanka iney taageeraan Maamulka Fashilmay, waxaana aad u soo kordhaaya carada laga qabo siyaasada labadaan Dal, iyagoo loogu baaqay iney faraha kala baxaan Siyaasada Arrimaha Gudaha Somalia.

Waxaa hubaal ah in Shacbiga Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in laga faa’iideysto Khayraadka illaahay ku maneystay oo wadankasn burburay gaarsiin kara Horumar, hase yeeshee Halista weyn ayaa ah in tartankan shisheeyaha ugu jiro khayraadkan uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhaxalsiin karo colaad iyo dagaalo ka duwan kuwii horey wadanka usoo maray.

156770cookie-checkTurkiga & Qatar Oo Loogu Baaqay Iney Faraha Kala Baxaan Siyaasada Arrimaha Gudaha Somalia