Rooble Oo Lagula Taliyay Inuu Door Ka Qaato Khilaafka Doorashada

Somalia news

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa kula taliyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu door hoggaamineed ka qaato is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashada, isla markaana arrimaha jira uu xalliyo, iyagoo u muujiyay taageero iyo is garab-taag….

Laga Soo bilaabo 17-kii September Ee kal hore, Ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday lahaa Door Hormuudnimo Kulamada Xalinta Khilaafkaadka Doorashada, waxaana lagu dhaliilay inuu gabi kaalintiisa, isla markaasna uu noqday mid hortaagan in Dalka laga qabto Doorasho dadban iyo Ciidamada uu u adeegsaday danihiisa, talaabadaan oo ka careysiiyay Daneeyayaasha Arrimaha Somalia,gaar ahaan Turkiga oo amartay in Hubka lagu xareeyo Xeryaha.

Kulankii shalay Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirada uu hoggaaminayay James Swan ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay saddex shuruudood oo Jubbaland ku xirtay ka qeyb galka shirka Muqdisho oo kala ahaa in raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo, in shirka wadatashiga Qaran uu ka dhaco goob ammaan ah oo dhex dhexaad ah, in shirka laga qeyb geliyo saamileyda siyaasadeed.

97830cookie-checkRooble Oo Lagula Taliyay Inuu Door Ka Qaato Khilaafka Doorashada