Ma Dhabaa In Lagu Heshiiyay In Taliyayaasha Ciidamada Xilka Laga Qaado

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa xaqiijiyay in Qorshihii lagu bedelaayay Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in lagu heshiiyay, iyadoo Saraakiishaan qaarkood ay bilaabeen iney diyaariyaan Qorshe ay ku wareejinayaan Xilka ay Hayaan….

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Agaasimaga NISA Adeege Fahad Yaasin, uu diyaariyay qorshe uu ku wareerijinaayo Xilka uu hayo, Wuxuuna ku mashquul aan yahay sidii Xildhibaanimo uga heli lahaa Beeshiisa oo degta Hirshabelle, waxaana lagu wadaa dhowaan la magacaabo Agaasime cusub, halka Taliyaha Ciidamada Boliiska uu isna xilkiisa weyn doono, waxaana la ogeyn Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidamada Lugta.

Rooble, ayaa dhowaan magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaashandhigga Shaqsi, Taliyaha Ciidamada Lugta iyo Agaasime kuxigeenka NISA ay ka soo wada jeedaan Beesha Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

122560cookie-checkMa Dhabaa In Lagu Heshiiyay In Taliyayaasha Ciidamada Xilka Laga Qaado