Cabasho Laga Keenay Bakhaar Ku Yaal Garoowe

Somalia news

Warar hordhaca ah ee naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in cabasho xoogan laga keenay raashin kayd ah oo ay leedahay mid kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay magaalada Garoowe….

Ilo wareedkaan ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in Qaar ka mid ah Shacbiga ku nool Magaalada Garoowe ay cabasho xoogan ka keeneen Keyd Bakhaar raashin oo u kireysan Hey’adda Cuntada iyo Beeraha Ee FAO faraceeda Magaalada Garoowe, iyadoo ay ka dhasheen cayayaanka Suuska ah Bakhaaradaasi.

Wararka ayaa sheegay in xubnaha guddiga siyaasadda, qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee golaha wakiilada Puntland oo ka jawaabaya cabashada dadweynaha ayaa waxay kulan la qaateen Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland si loo xaliyo dhibaatada ka dhalatay Bakhaarada.

97800cookie-checkCabasho Laga Keenay Bakhaar Ku Yaal Garoowe