Musharixiinta Mucaaradka Oo Qoraal ka soo saaray Shirka Nabadeynta Baydhabo

Somalia news

Midowga Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Konfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay walaac xoogan uga muujiyeen Amniga goobta lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Konfur Galbeed, iyagoo ka digay in la iska dhego tiro baaqyadooda…

Qoraalka oo ay u direen Hogaanka sare ee Dowlada Federaalka ayeey ku sheegeen in ay horay u dalbadeen in Ciidamada jooga laga saaro xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo Koontoroolada soo gala, isla markaana sugaan Amniga Goobta Ciidanka ATMIS, balse taasi aan la fulin, Waxey sidoo kale qoraalkooda ku sheegeen in Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo kuwo kamid ah Golaha Wakiilada Konfur Galbeed tacadi loogu geystay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo, taasoo ay horay uga digeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen maadaama ay ka walaacsan yihiin Amniga Goobta shirka lagu qabanaayo, sidoo kalena aan la fulin codsiyadii ay horay u jeediyeen in loo fasaxo in Amnigooda ay iyaga sugtaan.

236520cookie-checkMusharixiinta Mucaaradka Oo Qoraal ka soo saaray Shirka Nabadeynta Baydhabo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com