Koox Hubeysan Oo Shababka ah Oo Weeraray Degaanka Godinlabe

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Koox tiro oo aad hubeysan kana Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka ayaa weerar kedis ah ku soo qaaday degaanka Godinlabe oo hoos tagta Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud (Galmudug)…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kooxdaan ay ka soo duuleen tuulada Qayib oo ka tirsan degaanka Caado kibir ee Gobolka Galguduud, waxaana hogaaminayay Horjooge magaciisa lagu soo koobay Ilkacase oo ka soo jeeda Degmada Cadaado, Waxeyna weeraren barta (Dhismaha) Canshuuraha lagu qaado Ee degaanka Godinlabe.

Weeraraan Ayaan khasaare nafeed geysan, kadib markii ilaalada Bartaasi shalay Galab lagu wargeliyay in weerar ay ku soo qaaday aan Shababka, iyagoo dib uga gurtay Dhismahaasi, Waxaana la sheegay in Xalay ay Kooxda Shababku burburiyeen Dhismahaasi, iyadoo Ciidamadii Qorqor ay meel aan ka fogeyn ka daawanayay Howlgalka lagu burburiyay dhismaha.

Dadka ayaa in muddo ah Waxey shaki ka qabeen xiriirka hoose oo ka dhaxeeya Maamulka Qorqor iyo Maleeshiyaadka Shababka, iyadoo Warar aan xaqiijin ay sheegayaan in Adeege Fahad Yasin uu isku Xiray Maamulka Qorqor iyo Horjoogayaasha Shababka, ilaa hadda Maamulka degaankaasi iyo kan Galmudug ayaan ka hadlin weerarkaan.

154630cookie-checkKoox Hubeysan Oo Shababka ah Oo Weeraray Degaanka Godinlabe