Saameynta Gargaarka & Dhibaatada ay Geysatay Hey’adda USAID ee Qaarada Africa…

Africa News U.S.

Warbixino loo qaateen ah ayaa daaha ka rogeysa in Hey’adda horumarinta caalamiga ee Maraykanka (USAID) ay Saameyn iyo dhibaato aan la qiyaasi karin ka geysatay Dalalka Qaarada Africa, iyadoo Hogaankeedu ku dhex milantay Siyaasadaha arrimaha gudaha Dalalkaasi, inkastoo ay waday barnaamijyada Caafimaadka ee nolol-badbaadinta ahaa si gaar ah daweynta HIV, Ebola iyo Mpox…

Warbixino loo qaateen ah ayaa daaha ka rogeysa in Hey’adda USAID ay sidoo maalingelin dadban u fidin jirtay Ururada Argagixisada sida Boko Haram ee Dalka Nigeria, iyadoo fulineysa danaha Dowlada Mareykanka una aragta in Maamulada Africa lagu cabsi geliyo iney u dhego nuglaadaan awaamiirta Maamulka Washington, Fara gelinta ayaa la xaqiijiyay iney ka mid aheyd markii ay Dowlada Nigeria ay diiday in xarunta Taliska Africom laga dhiso dalkaasi sanadkii 2009-kii.

Somalia iyo Kaalinta Hey’adda USAID

Dalka Somalia ayaa waxay ka mid tahay 10-ka ee dhaqaalaha ugu badan ka hela hay’adda USAID, Tobankaasi dal waxay kaga jirtaa kaalintaa labaad waxaana ka horreeya Ethiopia oo kaalinta 1-aad kaga jirta liiska, “USAID waxay ahayd hay’adda ugu weyn ama hay’adaha gargaarka ay ku tiirsan yihiin oo kuwa Qaramada Midoobey ay ka mid yihiin, Dowlada Federaalka ay ku tiirsaneed, ganacsatada yaryar, beeraleyda iyo xoola dhaqatadana ay mashaariic u sameysay. ayuu sheegay Howlwadeen ka howlgala Hey’adaha Maxaliga ah.

Dalka Mareykanka wuxuu Hey’adaan ku maalgeliyay 68-Bilyan US$ oo gargaar horumarinta caalami ah marka loo eego sanadkii 2023, iyadoo Hay’adda (USAID) la aasaasay horraantii 1960-dii si ay u maamusho barnamijyada gargaarka bini’aadantinimo iyadoo Maraykanka wakiil uga ah caalamka.

360730cookie-checkSaameynta Gargaarka & Dhibaatada ay Geysatay Hey’adda USAID ee Qaarada Africa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *