Ma Dhabaa in Maamulka Abiy uu Diiday inuu Ka Qeyb Galo Kulanka IGAD ee Kampala..

Africa News

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulanka lagu qaban doono magaalada Kampala ee Dalka Uganda, Iyadoo Dowladaha Ethiopia & Sudan ay ka meer-meeraysanayaan iney ka soo qayb galaan Shirka ay ku Baaqday Dowlada Djibouti ee ay yeelanayaan Madaxda dalalka IGAD, kaasoo looga hadlayo heshiiskii sharci darrada ah ee Colaada ka fhex dhaliyey dhaliyay Ethiopia & Somalia & Colaada Sudan…

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia oo warqad u dirtay IGAD ayaa ku marmarsiyootay iney howla kale ku mashquulsan yihiin, waxayna codsatay in waqti kale looga dhigo, Waxaa muuqata in Maamulka Abiy ay 2-dii todobaad ee u dambeysa ay la daalaa-dhacayso weji gabax diblumaasiyadeed oo ku riixaya iney ka dhuumato fagaarayaasha Gobolka iyo kuwa Caalamka qoraalna u dirtay Hogaanka IGAD.

ku darsoo Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Somalia oo ku aadan ka qeyb galka Kulanka, iyadoo 25-kii maalmood ee u dambeysa ay heysay la’aanta Wasiir Arrimo Fibadeed & TheVillaSomalia midna oo ku saabsan in Somalia ay hadda ka qeybgeli doonto shir madaxeedka IGAD iyo in kale.

301500cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Abiy uu Diiday inuu Ka Qeyb Galo Kulanka IGAD ee Kampala..