Sacuudiga Oo Lagu Saxiixaayo Qoondada Xajka ee Somalia..

Somalia news

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta lagu wadaa Iagu wadaa inuu dalka Sacuudiga ku saxiixi doono qoondada ay Dowlada Federaalka ka heshay xujeeyda Somalia ka xajin doonta Sanadkaan…

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka socday Qunsuliyadda ee Somalia ee magaalada Jiddah ayaa Khamiistii Wasiir Sheekh Mukhtaar iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka Sacuudiga, waxeyna ka qeyb galayaan kulan-weynaha maanta ay Wadamada Islaamka ay iskugu imaanayaan kaas oo sanadlaha ah laguna saxiixo qoondooyinka ay Dowlad waliba ay u heshay inay muwaadiniintooda ka xajiyaan Sanadkaan.

Kulankaan inta uu socdo waxaa diirada lasaari doonaa horumarinta Arrimaha Xajka , fidinta aqoonta Islaamka, iyo iskaashiga Dowladaha islaamka, Waqti hore Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa shaacisay qiimaha adeegga Xajka Soomaaliya ee sanadka 1446 H/ ee 2025, iyadoo qiimaha sanadkan laga dhigay $4604 oo dollar oo loogu adeegi doono xaaji kasta.

356500cookie-checkSacuudiga Oo Lagu Saxiixaayo Qoondada Xajka ee Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *