Sacuudiga Oo U Tarxiilay Soomaali Dalka Yemen

Health

Xoogaga amaanka Amaanka ee Maamulka Riyadh ayaa la sheegay iney tarxiileen 800 oo qaxooti Soomaali ah, sida ay laga soo xigtay Warbaahinta ku hadasha Afka Jabhada Xuutiyiinta ee dagaalada ka wada Dalka Yemen…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Muwaadiniinta Soomaalida ah ay xiligaan ku xayiran yihiin Magaalada Haxm, ayaa wajahaaya Dhibaatooyin Caafimaad darro, Raashin la’aan, biyo yari iyo Nafaqo darro baahsan Oo ay ku badan yihiin Caruurta iyo Haweenka.

Ilaa hadda ma cadda sababta dhabta ah oo ay Dalka Sacuudiga ugu tarxiileen Muwaadiniinta Soomaalida Dalka Yemen, Sidoo Kale Waxaa la sheegay in Safaarada Soomaalida iyo Dowlada Somalia ayaan Weli ka ka hadlin xaalada Iyo dhibaatada ku heysa 800 Qof Oo Soomaalida ah, isla markaasna ay ka gaabiyeen iney u gurmadaan.

Dowlada Sacuudiga ayaa beeniyay sheegashada Jabhada Xuutiyiinta ee tarxiilka Qaxootiga Soomaalida, iyadoo Dalka Sacuudiga ay si joogto ah u soo tarxiilaan Muwaadiniinta Soomaalida ee dalkaasi ku sugan xili Aduunka ay ka taagan tahay faafitaanka Cudurka Caabuqa.

33980cookie-checkSacuudiga Oo U Tarxiilay Soomaali Dalka Yemen