Safaarada Egypt Oo Muwaadiniinteeda Fartay iney Ka Baxaan Degaanada Waqooyiga & Waqooyi/Bariga Somalia…

Africa News Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Amar ay soo saartay Safaarada Masar ayeey uga digay Muwaadiniinteeda iney si deg deg uga soi baxaan degaanada Waqooyiga iyo Bariga Somalia (Somaliland iyo Puntland), kadib markii xaaladaha Amni ee degaanadaasi ay hoos u dhaceen sababi kartana Afduubyo…

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Safaarada Masar ay ku boorisay Muwaadiniinteeda in xaaladaha amni ee labadaasi Gobol ee Somalia ay xaddideyso iney kaalmo-Qunsuliyadeed u fidiso Muwaadiniinteeda Masaarida ah ee ku nool Gobolada Waqooyiga iyo Waqooyiga Bari ee Somalia, iyadoo ay soo shaac baxayaan iney Afduubyo lagula kaco Muwaadiniinta Masaarida.

Talaabadaan ayaa daba socota kadib markii Maamulka Abiy ee Addis abeba uu culeys ku saaraan Maamulada Gobolada Puntland iyo Somaliland iney xiraan Maktabadaha iyo qeybaha Waxbarashada ee Egypt ku laheyd Degaanadaasi, ku darsoo Dowlada Federaalka ayaa qorsheyneysa iney Ciidamada Cusub ee AUSSOM ka reebto kuwa Ethiopia kaalintooda lagu buuxiyo Ciidamada Masar.

344150cookie-checkSafaarada Egypt Oo Muwaadiniinteeda Fartay iney Ka Baxaan Degaanada Waqooyiga & Waqooyi/Bariga Somalia…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *