Kulanka Golaha Wadatashiga Qaran oo Lagu wado inuu ka furmo Magaalada Mogadishu

Somalia news

Iyadoo Caasimada Dalku ay ku sugan yihiin 4-ka mid Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, laguna wado inuu maanta ka furmo kulankoodii 2-aad, ayaa waxaa shaki la geliyay ka qeyb galka Kulanka Madaxweynaha Maamulka Puntland, kaasoo ka cagajiiday inuu soo gaaro Mogdishu sheegayna inuu muuqaal arag fog kaga qeyb galaayo…

Ajandaha Shirka:-

Kulankaan ayaa Ajndayaasha hortebinta leh ayaa waxaa ka mid ah Arrimaha Dhaqaalaha ( Kabka Miisaaniyada), iyadoo ay ku fashilmeen Wasiirada Maaliyada Gobolada iyo Dowladda Federaalka iney ku heshiiyaan Kabka Miisaaniyada (93-Millions US$) in si siman loo qeybsado, waxaana diiday Saciid Dani oo quidareynaaya in loo sadbuursiiyo.

Wasiirada Maaliyada 4-Maamul Goboleed ayaa oggolaaday in 40% ay qaataan si isla eg, halka Dowlada Federaalka ay qaadato 60%, Maamulka Puntland ayaa ka horyimid saami qeybsigaasi waxeyna dalbatay iney loo kordhiyo Saamiga, iyadoo Maamulka Hargeysa loo qondeeyay Saami la eg kuwa Konfurta, waxaana Saamigaan laga reebay Gobolka Benaadir.

Arrimaha Amniga:-

Dowladda Federaalka ayaa dejisay Qorshe Istraateejiyadeed oo Amniga & la-dagaalanka kooxaha Argagixisada, waxaana si xowli ah u socoda Abaabul xoogan oo laga wado degaanada Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo Qorshu uu yahay in laga xoreeyo degaanada kor ku xusan, iyadoo la la kaashanaayo Dadka degaanka oo dhibaato aad u weyn kala kulmay Kooxdaan, waxaana Dhaqaale iyo Saad laga filayaa Dowladaha Daneeya arrimaha Somalia iyo kuwa Jaamacada Carabta.

Abaaraha:-

Sidoo kale Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Qaramada Midoobay iyo Hey’adaha gargaarka ayaa lagu wadaa in Kukanka guud ee QM lagu soo qaado sidii gacan looga sii lahaa Somalia arrimaha Gurmadka iyo Gargaarka, wuxuuna Madaxweynaha Somalia khudbad ka jeedin doonaa Kulanka Guud ee 22-23 Bishaan.

212780cookie-checkKulanka Golaha Wadatashiga Qaran oo Lagu wado inuu ka furmo Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com