Safaarada Mareykanka Oo si buuxda u Taageertay Jadwalka Dhaarinta Xildhibaanada

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Safaarada Mareykanka ee magaalada Mogdishu ayeey si buuxda u taageertay Jadwalka dhameystirka Doorashada dadban ee 2022 oo ay xalay soo saareen Guddigga heer Federaal ee FEIT, iyadoo habraacaan uu ka muuqdo mid nidaamsan….

Safaaradda USA oo boggeeda Twitter-ka aad loogu goodiyo Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa lagu taageeray jadwalkii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ( FEIT), Qoraalka ayaa lagu yiri ” Waxaan rajaynaynaa in aan la kulanno Xildhibaannada cusub ee JFS kadib markii la dhaariyo 14-ka Abriil, weliba xilli ku habboon”.

Talaabadaan ayaa u muuqata jawaab ka dhan ah maamulada K/Galbeed iyo Galmudug oo ka horyimid jadwalka ay soo saaren Guddiga FEIT.

175360cookie-checkSafaarada Mareykanka Oo si buuxda u Taageertay Jadwalka Dhaarinta Xildhibaanada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com