Xildhibaanada Puntland oo ugu Baaqay Wasiirada iney Golaha Horyimaadaan

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ugu baaqeen Dhamaan Wasiirada iney horyimaadaan Golaha si wax looga weydiiyo Waxqabadkooda, kadib markii lagu eedeeyay Wasiirada qaarkood iney ka hoos mareen heerkii shaqo ee laga filaayay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Xildhibaanada ay la filaayo iney kalsoonida kala laabtaan Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Qorsheynta Mr.Cabdi Faarax Juxa iyo Maxamed Saciid Faroole, oo hal beel ka soo wada jeeda, waxaana lagu wadaa in lagu bedelo Xubno cusub oo Senator Cavdiraxmaan Faroole laga talo geliyay.

Wararka ayaa sheegaya in Deni iyo Senator Faroole ay isla meel dhigeen in Wasiirka cusub loo magacaabo Maxamed Faroole, Mr.Deni ayaa labada Wasiir ku eedeeyay iney soo jiidan waayeen kalsoonida Beesha Garoowe, isla markaasna uu ku qasbanaaday inuu heshiis hoose la gaaro Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Ilo wareedkaan ayaa sheegtay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay u yeeraan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa kuwaasoo maanta laga yaabo iney hortagaan, wuxuuna Mr.Deni baajiyay Kulankii Golaha Wasiirada, isagoo lagu wado inuu isla maanta u dhoofo magaalada Addis abeba.

229870cookie-checkXildhibaanada Puntland oo ugu Baaqay Wasiirada iney Golaha Horyimaadaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com