Howlgal ay Fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Degaanka oo Lagu Dilay Tiro Horjoogayaal ah..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Degaanka ee ayeey ku dileen Horjoogayaal iyo tiro Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shabaabka..

Wararka ayaa sheegaya in Howlgal dhaba gal ah ay fuliyeen Ciidamadaan iskaashaday ayeey ku khaarijiyeen Horjoogayaal iyo Ilaaladooda oo ku safraayay Gaari wadada aada Tuulada Dumaaye, waxaana lagu dilay 7-Xubnood oo Kooxda Argagixisada ka tirsan, iyadoo looga qabsaday Gaari Tikniko ah

Saraakiisha Ciidamadaan ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay xubno uu ku jiro Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) oo ahaa ku-xigeenka Horjoogaha Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shabaabka ee gobolada Galgaduud iyo Mudug iyo Horgal Ajaaniib ah.

315140cookie-checkHowlgal ay Fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Degaanka oo Lagu Dilay Tiro Horjoogayaal ah..