Safaarada USA Oo Muwaadiniinteeda uga Digtay Xaalada Amaan Ee Kenya

Somalia news

Maamulka Washington ayaa Muwaadiniintooda uga digay iney xiligaan u safraan Xadka Somalia iyo Kenya, sababo la xiriira weerarada argagixisada, Xaalada Caafimaad (COVID) iyo Afduubyada oo aad u kordhay xiliyadii ugu dambeeyay, Sida lagu sheegay War ay soo saareen…

Bayaan ay soo saareen Howlwadeenada Safaarada USA Ee Nairobi ayaa lagu xusay “ Ha u safrin xiligaan Xadka Somalia iyo Kenya iyo Degaanada ku teedsan Xeebaha sababo la xiriira weerarada Argagixisada”, Sidoo kale Gobolka Turkana ayaa Muwaadiniinta looga digay Arrimaha la xiriira Dembiyada abaabulan oo sare uga kacay bilihii ugu dambeeyay.

Digniintaan ayaa saameysa Xaafadaha Kibera iyo Islii Oo ay Soomaalida ku badan tahay ayaa joogto ka noqday fal-dembiyeedyada iyo afuubyada abaabulan, iyagoo si gaar ah loogu sheegay Muwaadiniinta ineysan caadeysan iney maraan goobaha mugdiga ah Oo ay ku dhuubtaan Burcada degaanka.

160580cookie-checkSafaarada USA Oo Muwaadiniinteeda uga Digtay Xaalada Amaan Ee Kenya