Kooxda Shabaabka Oo Weeraray Degaanka Baxdo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Baxdo ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ay saakay weerar ku soo qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaabka, kaasoo aan ilaa hadda la ogeyn khasaare ka dhashay…

Dagaalkaan ayaa xoogiisa la sheegay inuu ka dhacay gudaha magaalada Baxdo iyadoo ay dadka deegaanka Oo kaashanaaya Xoogaga Suufiyada ay iska caabin xoog leh ugaga horyimaadeen Maleeshiyaadka Kooxda Shababka.

Dadka deegaanka Baxdo ayaa sheegaya in Kooxda Argagixisada Shababka ee soo weeraray dib loo celiyay oo dadka deegaanku ay ka saareen bartamaha magaalada Baxdo.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay saaka deegaanka Baxdo Maamulka Gobolka kan Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa gurmad u soo fidin

160610cookie-checkKooxda Shabaabka Oo Weeraray Degaanka Baxdo