Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Saddex Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda oo ka tirsanaa Xoogaga ATMIS ayaa lagu eedeeyay dayacaad ka faafiyeen la xiriirta shil diyaaradeed oo kuw Qumaatiga u kaca oo ku burburtay Dalka Somalia bishii Sebtembar 2024…
Diyaaradan oo nooca Helicopter-ka ah oo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxay burburtay wax yar uun kadib markii ay ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, iyadoo ku sii jeedday Garoonka Balidoogle, oo 90-km dhinaca Waqooyi Galbeed kaga beegan Caasimadda Somalia.
Afar kamid ah nabad ilaaliyaasha ATMIS ee la socday diyaaraddaas ayay dhaawacyo soo gaareen, Col. George Buga Andruga, 51, Maj. Benjamin Kashumbusha, 43, iyo Lt. Henry Gygenda, 38, ayaa ka soo hor muuqday Maxkamadda Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Makindye ee Kampala January 15, 2025.
Saraakiisha ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay si taxadar la’aan ah u daabuleen diyaaradda AU0-004. Haddii lagu helo dambiga, waxay mutaysan karaan ciqaab dil ah, Saraakiisha la eedeeyay ayaa beeniyay in ay wax khalad ah sameeyeen intii ay socotay dhageysiga dacwadda oo uu guddoominayay Brig. Gen. Robert Freeman Mugabe.