Maxaa Xiligaan Keenay inuu hoos u Dhac ku Yimaado Xiriirka Somalia & UAE..

Somalia news

Tan iyo markii Xildhibaanada u doorteen Madaxweynaha Xasan Sheekh waxaa soo shaac baxaayay in Xiriirka ka dhaxeeya Somalia iyo UAE uu sii xoogeysanaayo, inkastoo markii tiro Saraakiil iyo Xubno calooshood u shaqeystayaal looga dilay Xeradii ay Maamulayeen UAE, ayeey hakiyeen dhamaan Howlihii ay ka wadaan Magaalada Mogadishu xagga Caafimaadka iyo Tababarada Ciidamo u gaar ah UAE…

Xogtaan ayaa Warsida Diinah.com news u xaqiijisay in Imaaraadka Carabta ay joojiyeen dhaqaalihii ay siin jireen Ciidamada iyo Xoogag hubeysan Xarumaha ay UAE maamulaan kuwaasoo fariisinkoodu yahay Muqdisho, waxaana la xaqiijiyay in dhamaan ay joojiyeen Howlihii Samafalka iyo Tababarada Xoogag iyagu u daacad ah.

Waxaana la sheegay in UAE ay Howlihii iyo Maalgelintii Maleeshiyaadka UAE daacada u ah ku sugan magaalooyinka Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ay sii wadaan, iyadoo la sheegay in Dowlada Federaalka oo dhowr isku day oo ay ku doonaayeen iney ku qanciyaan UAE ineysan joojin Kaalmada iyo Taageerada balse baaqyadaasi dhegaha ka ayeey ka fureysteen UAE, Waxeyna ku adkeysteen (go’aansadeen) iney joojiyaan dhaqaalihii ay Amaanka ku bixin jireen.

Ujeedooyinka Istraateejiyadeed ee UAE

UAE Maadaama ay yihiin Dal hami-siyaasadeed ku leh Geeska Afrika iyo Badda Cas, Imaaraadku waxey doonayaan iney danahooda qori caaradiis ku ilaalsadaan iyagoo adeegsanayaa Maleeshiyaad ay hubeeyeen, Maamulo Gobol iyo Ethiopia ku ilaalsadaan Danahooda Dalalka ku teedsan Geeska Africa iyo Badda Cas, gaar ahaan Dalalka Somalia & Sudan oo ay dhawaanahan ka wadeen “faragelin aan hore loo arag,” ayay khubaradu aaminsan yihiin.

312720cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay inuu hoos u Dhac ku Yimaado Xiriirka Somalia & UAE..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com