Shababka Oo Shaaciyay Naftii-haligihii Isku Qarxiyay Camaara

Somalia news

Kooxda Shabaabka argagixisada Shababka ayaa shaac ka qaaday Naftii-haligihii isku qarxiyay Farsiimadii Ciidamada Dowlad goboleedka Galmudug ee ay ku lahaayeen degaanka Camaara ee Gobolka Mudug, falkaasi iyo dagaalka oo khasaare balaaran ka dhashay..

Warbaahinta Kooxda Argagixisada Shababka ayaa shaacisay is-miidaamiyihii isku qarxiyay Farsiinka Ciidamada Galmudug ee Degaanka Camaara, iyagoo magaciisa ku sheegay Cabdiraxman Zeynudiin kana soo jeeda Magaalada Mombasa Ee Dalka Kenya, kaasoo ay sheegay inuu ku soo barbaaray Magaalada isla markaasna ku biiray Kooxda Shababka.

Cod laga duubay Naftii-haligaha ayuu ku sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay towbad keenaan, wuxuuna ku hadlaayay Luqada Sawaxiliga, waana markii ugu horeysay uu mid ka mid ah Ajaaniibta kooxda ka barbar dagaalama uu isku qarxiyo ka fuliyo gudaha Somalia, iyadoo inta badan Is-miidaamiyayaasha ay kooxdu adeegsato u badnaayeen Soomaali.

139710cookie-checkShababka Oo Shaaciyay Naftii-haligihii Isku Qarxiyay Camaara