Saraakiisha Amaanka Hogaamiyayaasha Soomaalida Oo Loo Gudbiyay Shaxda Amaanka Teendhada

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Guddi Amni oo ka socda shanta maamul goboleed, Madaxtooyada iyo Amisom ayaa shir hordhac ah ku leh Teendhada uu barrito shirku ka dhacaya waxaana la sheegay in loo gudbiyay goobaha loo calaamadeeyay ineysan Ciidamada Hubeysan soo dhaafin, iyadoo xitaa kuwa VIP lagu wargeliyay ineysan gudaha Teendhada hub la geli doonin….


Gudaha Teendhada Shirka ayaa la filayaaa in ciidamada Amisom iyo kuwa Mareykan ah ay sugaan amaanka, halka Ciidamada ay kala wataan hogaamiyayaasha shirka ka qaybgalaya loo samayn doono goob ay ku sugayaan madaxda.

Waxaa la isku waafaqsan yahay shirka berito inuu u qabsoomo sida looga talo galay, iyadoo ay tahay markii ugu horaysay muddo 3-todobaad ah oo ay is horfadhiistaan Farmaajo iyo Labada Madaxwayne Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

James Swan ergayga xoghayaha guud ee Q/midoobay oo hadda u muuqda mid awood dheeraad ah haysta ayaa ku casuumay madaxda Soomaalida shirkaas, sida ay sheegeen madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Shir Albaabadu u xiran yihiin oo ay xubnaha Golaha amaanku habeenkii xalay yeesheen ayay isku raaceen in cidii ka hortimaada kulamada looga hadlayo arrimaha doorashada lagu soo rogi doono cunaqabatayn, sida aan ka helay ilo dublamaasiyadeed oo ku sugan xarunta Xalane.

Hadii hogaamiyayaashu dhexdooda ka heshiin waayeen, in loo yeeriyo maxaa ku jaban!!?.

107360cookie-checkSaraakiisha Amaanka Hogaamiyayaasha Soomaalida Oo Loo Gudbiyay Shaxda Amaanka Teendhada