Doorashada Senatorada Waqooyiga Oo Maanta Dhaceysa

Somalia news

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka ayaa shaaciyay in Maanta la qaban doono lix kursi oo ka mid ah 11-ka kursi ee gobolada Waqooyi ee dalka, kuwaasoo ay ku tartamaayaan Musharixiin dhan 13-xubnood, kuraasta qaarkood ayaa la filayaa in si adag loogu tartamo…

Iyadoo la sheegay in Saddex kursi tartankooda aadka u adag yahay isla markaasna isha lagu hayo natiijada, kuwaasoo kala ah kursiga Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Kursiga kale waxaa ku tartamaya Prof Maxamed Maxamuud Alla Bari, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo C/raxmaan Cismaan Cali.

Waxaa kaloo ka mid ah kursiga ka mid ah Cismaan Abokar Dubbe iyo C/kariin Maxamed Xasan, Waxaa la rajeynayaa in maalinimada Khamiista ee 30ka bishan la soo gabagabeyn doono doorashada senatarada aqalka sare ee Soomaliland oo gaaraya 11 kursi.

142950cookie-checkDoorashada Senatorada Waqooyiga Oo Maanta Dhaceysa