Saraakiisha Ciidamada Badda ee EU-da Oo Ka Digay Kororka Burcad-Badeedka ee Xeebaha Somalia..

Somalia news

Saraakisha Ciidamada Badda ee Europe una xil saaran Ilaalinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Xamuulka ayaa ka digay kororka Kooxaha Burcad badeedka, kuwaasoo ay dhiiri geliyeen Weerarada kooxaha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ka geysanayaan badda cas iyo Badweynta India…

Vice Admiral Ignacio Villanueva, Madaxa Howlgalka Midowga Yurub ee u xilsaaran xakamaynta budhcad-badeedda, ayaa sheegay, burcad badeedu iney ka xoogan yihiin sidii horey loogu aqoon jiray, wuxuuna intaasi raaciyay in weerarrada burcad badeedda ay fulinayaan kooxo si fiican u hubaysan, u  abaabulan oo tiro ahaan ka badan sidii hore.

Khubarada arimaha Badda ee Somalia ayaa eedeyn u jeediyay Ciidamada Badda ee Europe iyo kuwo India kuwaasoo Xeebaha Somalia u soo diray Maraakiib Kaluumeysi kuwaasoo dhibaatooyin xaalufin iyo Dhibaato ku haya Kaluumeysatada Soomaalida, joogotaankoodana ay ka dhasheen in Kaluuneysatada qaarkood ku biiraan Burcad badeedka.

Ku darsoo, Bishii la soo dhaafay, falaagada Xuutiyiinta ayaa qaaday tiradii ugu badneyd ee weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga, iyadoo lala beegsaday 16 markab, sida lagu sheegay xogta ay daabaceen ciidamada badda ee ka howlgala Gobolka.

334480cookie-checkSaraakiisha Ciidamada Badda ee EU-da Oo Ka Digay Kororka Burcad-Badeedka ee Xeebaha Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *