Xukunka Maxkamada Sare ee Hop#086 Kadib Muxuu ku dambeyn doonaa

Somalia news

Inkastoo La-taliyaha amniga Qaranka Farmaajo uu farriin adag oo diidmo ah kala kulmay Garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka, kaasoo la filayey inuu dhankiisa ka riixi doono in la guda galo dacwada kursiga HOP#086, hadana waxaa lagu wadaa in 19-ka bishaan Maxkamada Sare ay bilaawdo dhageysiga Dacwada…

Fahad Yaasiin ayaa todobaadkii hore qabsaday Qareen dacwad ka gudbiya Guddiga Doorashada ee FEIT kaasoo kursigiisa ka reebay kuraastii la doortay ee Golaha Shacabka, wuxuu aaminsanaa inuu dhinaca sharciga ku xoog badan yahay halkaasna uu kursigiisa fasax deg deg ah kasoo heli doono, laakiin waxaa muuqata in dhinaca ay is hayaan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inay shaqo adag ka qabteen dhanka Garyaqaanka guud.

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in isla 19-ka Bisha ay Maxkamada sare soo saari doonto Go’aan lagu fasaxaayo kursigaasi, iyadoo aan la ogeyn sida uu go’aanka Maxkamada u shaqeyn karo maadaama Garyaqaankii guud ee Dowladda diiday in dacwad loo qaado go’aanka guddiga FEIT.

183210cookie-checkXukunka Maxkamada Sare ee Hop#086 Kadib Muxuu ku dambeyn doonaa