Xiisado Colaadeed iyo Ciidamo isku Horfadhiya Duleedka Magaalada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Xiisad colaadeed ay mar kale dib uga soo cusboonaatay magaalada Garoowe, kadib markii talaabooyin is biirsaday ay ku dhaqaaqeen Mr.Deni iyo Siyaasiyiinta ka soo horjeeda kuwaasoo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe iyo Boosaso….

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka oo Xaruntii uu ku shaqeynaayay ka guuray kadib markii uu khikaaf soo kala Horgalada Kooxda Aaranjaan, wuxuuna amar ku siiyay Ciidamada PMPF ee ku sugan magaalada Boosaaso u guuraan magaalada Garoowe, si looga hirgeliyo Doorashada degaanka, iyadoo sidoo kale Ciidamo kale oo daacad u ah Horjooge Jumcaale Jaamac Takar ay Dhufeysyo ka qoteen inta dhaxeysa degaanada Garoowe iyo Sinujiif.

Sidoo kale waxaa burburey waanwaan ay wadeen waxgarad ka soo jeeda magaalada Garoowe, Jimcaale ayaa diidan in Xoogaga ka soo baxay magaalada Boosaaso ay gudaha u galaan Garoowe, Khubarada Amaanka ayaa Maamulka Dani ku eedeeyeen inuu ku fashilantey in Xarunta Puntland doorasho ka hirgeliso, sidoo kale ma qaadin tallaabo wadahadal uu miiska la fariisanaayo kuwa diidan doorashooyinka ee awooda ku leh Garoowe.

259040cookie-checkXiisado Colaadeed iyo Ciidamo isku Horfadhiya Duleedka Magaalada Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com