Is barbar-Dhiga Somalia & Suuqa EAC Dhinacyada Dhaqaalaha, Tirada Dadka iyo Awooda Maalgashiga

Africa News Economie Somalia news

Ururkii ugu horreeyay ee Bulshada Bariga Afrika, waxaa sanadkii 1967 dhidibada u taagay Dalalka kala ah Kenya,Tanzania iyo Uganda, waxeyna ku heshiiyey inay iska kaashadaan dhinacyo badan oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada ah laakiin heshiiska ayaa si kastaba ha ahaatee wuxuu burburay 1977-kii…

Waxaa heshiiska aasaaska Bulshada Bariga Afrika (EAC) dib loo saxiixay November 1999 waxaana saxiixay dowladaha Kenya, Tanzania iyo Uganda. Heshiiska, oo dhaqan galay bishii Juun 2000, ayaa ujeeddadiisu ahay geeddi-socod is-dhex-gal dhammaystiran oo ka kooban dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dhammaan saddexda Dal waxay u arkaayeen in is-dhexgalka Bulshada Gobolka uu yahay qorshe lagama maarmaan u ah istiraatijiyaddooda horumarineed isla markaasna kaalin muhiim ah ka ciyaaraya kobcinta Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga dhaxdooda ah. Rwanda iyo Burundi, ayaa ku biiray ururka 2007dii. South Sudan waxa ay xubin buuxda ka noqotay Bulshada Bariga Afrika sanadkii 2016, ugu dambeyntiina Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa sanadkan 2022-ka ku biirtay ururka bulshada Bariga Afrika, iyadoona noqotay waddankii 7aad.

Dawladaha xubnaha ka ah Isbaheysigaan ayaa waxa ay ka shaqeynayaan iney dhaxdooda ka hirgeliyaan si waafaqsan heshiiska lagu aasaasay, Mideynta Kastamyada (Customs Union), abuurista Suuq-wadaag ah (Common Market), ka dibna sameynta midow lacageed (Monetary Union) ugu dambayntiina loo gudbo siyaasad mideysan (Political Federation).

Dowladda Federaalka ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada Bariga Afrika, balse ilaa hadda ma cadda waxa laga faa’idi karo mustaqbalka dhow iyo kan fog marka laga reebo rajada madaxda Dalka ay ka muujinayaan in ay Shacabka Soomaalida ay jaanis u helayaan tegitaanka dalalkaas viso la`aan laakiin waxaad moodaa in aan la iska wareysan waxa ay Somalia kusoo kordhin karto ama ay ka faa`idi karto ahdaafta afarta (4) ah ee aan kor kusoo xusnay una degsan Bulshada Bariga Afrika (EAC). 

208660cookie-checkIs barbar-Dhiga Somalia & Suuqa EAC Dhinacyada Dhaqaalaha, Tirada Dadka iyo Awooda Maalgashiga