Saraakiisha NISA Ee Guddiyada Doorashada Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan

Somalia news

Warbixino hoose ayaa tilmaamaya in Xubnaha Lagu daray Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal, heer Maamul Goboleedyada Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hir-Shabelle iyo Kan Xalinta Khilaafaadka, ayaa u badan Saraakiil ka tirsan Hey’adda NISA iyo Shaqaalaha Xafiiska Madaxtooyada Ee Villa Somalia…

Xubnahaan oo loo soo xulay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen dib u soo laabashada Mr.Farmaajo Ee Doorashada la qorsheeyay in la qabto 8-Feb-2021, waxeyna magacyadoodu iyo Beelaha ay ka soo jeedaan sida hoos ku xusan:-

HEERKA FEDERAALKA;-

– Maxamed Xasan Maxamed ( G/sare NISA)
Shaqada: ( Madaxa Qeybta Diiwangilinta ee NISA) Beesha Abgaal.

-Cabdirizaaq Cali Kaahin (Dhamme NISA)
Shaqada: (Madaxa qeeybta Han-maamuuska Ee Xafiiska Agaasimaha NISA)
Beesha Raxanweyn.

-Garaad Yuusuf Maxamuud (L/Xidggle NISA)
Shaqada: (Taliyaha Ilaalada Guddoomiyaha Maxkamadda sare)
Beesha: Dir, Isxaaq.

-Cabdinur Maxamed Axmed Agaasimaha Madaxtooyada Beesha Reer Aw Xasan.

Hir-Shabelle:-

-Anas Cabdicaziiz Mohamed (Xidiggle NISA), Shaqada, Xoghayaha Gaarka ah ee TNQ
Qabiilka: Gugundhabe.

-Yoonis Xasan Xuseen (Xidiggle NISA)
Shaqada: (Qeybta Kaalinka NISA)
Beesha : Reer Ow-xasan.

Koonfur Galbeed:-

-Nuuradiin Ibraahim Adam Saneey (2/Xidigle NISA), Shaqada Madaxa ladagaalanka argagixisada ee K.Galbeed, Beesha Lafta gareen.

-Abdirizaaq Qaasim Mohamed (Shabaab hore, Xidiggle) Shaqada (Madaxa NISA ee Degmada Baydhabo)
Beesha Shanta caleemood.

Galmudug:-

-Fahmo Xasan Maxamed (2/Xidigle NISA)
Shaqada: Madaxa Laanta dibadda qeybta airporka ee NISA
Beesha: Sacad.

-Abdirahman Ismail Shire (X/le NISA)
Shaqada: Kuxigeenka NISA Ee Galmudug
Beesha: Mareexaan.

73030cookie-checkSaraakiisha NISA Ee Guddiyada Doorashada Iyo Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan