Ma Dhabaa In Qorshe Ay Maleegeen Maamulka Farmaajo

Somalia news

Macluumaad hoose ayaa tilmaamaya in Madaxtooyada Villa Somalia Oo Kaashaneysa Ciidamada 21-aad iyo Ciidamo Gaar ah Oo NISA ka tirsan, ayaa loo diyaariyay iney soo qabtaan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe, isla markaasna la carqaladeeyo shirka wadatashiga dhuusamareeb 2020…..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Howlgalo qorsheysan Oo lagu doonayay in lagu qabto Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Islaam Madoobe, ayaa fashil ku yimid, kadib markii Ciidamo aad u tiro badan oo ka kala socda Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Hir-Shabelle ay la wareegeen Amaanka Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Goobta Shirka ka socdo.

Ciidamada Qeybta 21-aad oo heegan la geliyay, iyadoo fulinayo amarka Madaxweynaha ee jooga Dhuusamareeb & Guud ahaan Galgaduud, Saraakiisha Ciidamada Heeganka ku jiray ayaa xogta u dusiyay Dowlad Goboleedka Galmudug & Xisbiyada Mucaaradka qaar kamid ah, arrintaas oo ku noqotay mid layaab ah Dowladaha Xubnaha ka ah DFS in shirqool intaas la eg laga soo maleego Madaxtooyada Soomaaliyeed.

iyadoo durbadiiba Madaxtooyada lagaarsiiyay fariimo adag sida hadii howgalkaas uu ka dhaco dhuusamareeb cawaaqibka kadhalan karo. kadib Madaxweyne Farmaajo oo latashiyo lasameeyay Agaasimihiisa Sirdoonka ayuu kaga laabtay damaciisa so qabashada Ahmad Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo iyo La-taliya yaaah iOS’s Gen.Dafle iyo Morgan ayaa caan ku ah dilal ka qorsheysan & caburinta Xubnaha Mucaaradka ku ah Dowladiisa waana ka suurowda inuu fowdo ka kiciyo Dhuusamareeb, sidii tii ka dhacday Magaalada Baydhabo iyo midii lagu fashilmay ee Kismaayo.

47520cookie-checkMa Dhabaa In Qorshe Ay Maleegeen Maamulka Farmaajo