Dhibaatada Mandooriyaha uu ku hayo Nolosha Dhalinyarada Soomaaliyeed

Health Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujineysa in Sanadihii ugu dambeeyay qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaliyeed ee ku nool Qurbaha iyo kuwa gudaha Dalka ay noqdeen kuwo u jilicsan Balwada, kadibna u horseeday ku kacaan noocyada dunuubta kala duwan sida dil, dhac & dagaalka kooxeysiga droogada, talabadaan ayaa waxaa sii kordhisay is faham la’aanta u dhaxeysa Dhalinyaradaan iyo Waalidka dhalay…

Dhibka Dhalinyarada:-

Khubarada ayaa yaqiinsan in dhibka Dhalinyaradaan xiligaan heysata ayaa waxaa ka mid ah dib u dhaca Waxbarasho (school under-performance), ka saaridda Dugsiga (school exclusion), ka mid noqoshada kooxaha Burcadka (gang involvement), Anshax xumida (anti-social behaviour), iyo Isticmaalka ama ka ganacsiga maandooriyayaasha & iibinta (drug-use or drug-dealing).

Hadaba, Maxay tahay muqaadaraadkaan Dhalinyarada Soomaalida mustaqbalkooda seejiyay, waxaa ugu horeeya nooca Lsd, Opiod, Ecstasy, Tabuga, Qaadka iyo buufinka loo yaqaano (Nitric Oxide), Buufinka wuxuu kaloo ay caan ku tahay (Laughing Gas), Isticmaalka Buufinka Qosolka waxaana lagu tiriyaa inuu ka mid yahay noocyada Droogada, wuxuuna seejiyay Dhalinyaradaan mustaqbalkooda iyo Caafimaadkood maskaxeed uuna mugdi gelinaayay.

Hadaad aragto caruur sita buufino qurbo joog ah ama kuwa Dalka gudihiisa, waa Nitric oxide,  waxaana la xaqiijiyay inCaruur badan oo Soomaali ay Sanadahaan Isbitaalada Reer Galbeedka buux dhaafiyeen kuwasoo curyaan noqdey, Sad wallah, iyadoo Waalidiinta intooda badan ay ku mashquuleen Baraha Bulshada.

210380cookie-checkDhibaatada Mandooriyaha uu ku hayo Nolosha Dhalinyarada Soomaaliyeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com