Sare u kac ku yimid Qiimaha Xoolaha lagu iibsado

Somalia news

Guud ahaan Dunida Islaamka iyo gaar ahaan Somalia waxaa ka socda diyaar-garowga munaasabadda Ciidul- Adxa. Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka, ayaa la sheegayaa in qiimaha lagu kala iibsado xoolaha ee suuqyada uu kor u kacay….

Waxaa sare kac xoogan ku yimid qiimaha Xoolaha sida Ariga, iyadoo suuqyada lagu iibiyo Xoolaha Waxaa camiray Dad doonaya iney iibsadaan Xoolaha, si ay ugu Allah baryaan munaasabada Ciida waxaana la dareemay sare u kac xoogan ku yimid qiimaha Ariga.

Qiimaha neefkii Ariga 120/130 US$, waxaana la sheegay in qiimahaan uu aad qaali ugu yahay, iyadoo la wada xusuusan yahey in muddo Dalka ay ka jirto dhaqaale yari, oo dhamaan ganacsigii uu Hakad ku yimid, sababo la xiriira Xiliga kala guurka iyo shakiga laga qabo ineysan Dalka ka qabsoomin Doorasho dadban oo daah furan.

130110cookie-checkSare u kac ku yimid Qiimaha Xoolaha lagu iibsado