Shirka Xalinta Khilaafka Doorashada Oo Isu Bedelay Caqabado

Somalia news

Laga soo bilaabo Sanadkii tagay Waxaa taagan Muranka ka dhashay Doorashada, iyadoo Xalintii Khilaafka Doorashada laga cabsi qabo inuu isku bedelo Caqabado aan laga gudbin oo wakhtiga lagu dheereysanaayo, taasoo dhici karta in Farsamadaan ay horseedi karto dagaal sokeeye…

Dhowaan ayaa iclaamiyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Mr.Farmaajo inuu shir looga hadlaayo Doorashada uu ka dhacado 15-ka bishaan Magaalada Garoowe, iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ku taliyeen in shirka lagu qabto Magaalada Mogadishu.

Saraakiisha Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa ku adkeystay in shirkaasi uu ka qabsoomaayo Magaalada Garoowe, talaabadaan ayaa shaki badan dhalisay, Maamulada Gobolada iyo Musharixiinta Mucaaradka ayaa sheegay in Mr.Farmaajo uusan daacad ka aheyn in la qabto shir lagu xalinaayo Khilaafka Doorashada, waxeyna sheegeen in Shirkii Dhuusa mareeb uu iskiis uga tagay.

Talaabooyinkaan ayaa loo arkaa inuu ku doonaayo dib u dhac iyo wakhti lumis ku yimaada heshiiska Doorashada ilaa marka dambe uu helo muddo kororsi 1-2 sano, waxaana la sheegay iney horseedi karto inuu qalalaase siyaasadeed iyo mid amni darro uu dalku galo.

94030cookie-checkShirka Xalinta Khilaafka Doorashada Oo Isu Bedelay Caqabado