Midowga Musharixiinta Oo Shaki Ka Muujiyay Qabashada Doorashada

Somalia news

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay ku qiimeeyeen xaaladda guud dalka, gaar ahaan habsami u socodka doorashooyinkii loo ballansanaa, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay walaac uga muujiyeen qabsoomida Doorasho xor iyo xalaal ah…

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Goluhu wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo asteeyey ay ka dhacdo dalka, isagoo ku salaynaya ifafaalooyinka muuqda ee khuseeya arrimihii ugu waa weynaa ee ahaa caqabadaha horyaala doorashooyinka dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin”.

– Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland, taasoo horseeday in laba guddi doorasho ay dhistaan.

-Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya laga gaarin.

-Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiraan ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

-In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay.

-U-diyaargarowgii doorashada xubnaha AqaIka Sare oo aad u hooseeya, taas oo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo.

130140cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Shaki Ka Muujiyay Qabashada Doorashada