Sarkaal Ka Soo Jeeda Gobolka Gedo Oo Ku Xayiran Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Saraakiisha Beesha Mareexaan Ee Gobolka Gedo u hageysay iyo Farmaajo, kadib markii Saraakiishaan qaarkood loo adeegsaday Howlgalada Ciidamada Gobolka Gedo, kadibna laga soo bedelay…

Wararka ayaa sheegay in Khilaafkaan uu muddo soo jiitamaayay isla markaasna uu salka ku hayo heshiisyo la la galay Saraakiishaan uuna ka mid yahay Mr.Bakaal Kooke oo ahaa Madaxa Xasilinta Ciidamada Gobolka Gedo, iyadoo la sheegay in loo soo bedelay Farsiinka Ciidamada Dowladda ee Degmada Balcad Howlgaladana ka socdana loogu diray inuu ka qeyb qaato.

Mr.Bakaal Kooke oo ay qabiil ahaan is-xigaan Farmaajo ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Axmed Madoobe kula dagaalay gobalka Gedo, iyadoo markii dambana uu Bakaal kamid noqday saraakiil loo diiday iney gaaraan Gedo, talaabadaan ayaa u muuqata mid dhaawaceysa Qorshaha Farmaajo uu ku doonayay inuu 16-ka Kursi ee Xildhibaanimo ee laga soo dooran lahaa Magaalada Garbahaarey.

131600cookie-checkSarkaal Ka Soo Jeeda Gobolka Gedo Oo Ku Xayiran Mogadishu