Ma Dhabaa in Madaxa Sirdoonka Ethiopia uu Ka degtay Magaalada Hargeysa

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisado xoogan oo u dhaxeeya Dowladaha Ethiopia & Somalia, xili uu Maamulka Addis abeba bilaabay inuu xiriiro la yeesho Maamulada Dowlad Goboleedyada Dalka ee mucaarasdan Maamulka Villa Somalia..

Ilo Wareedyo loo qaateen ay sheegay in Mas’uulka ugu sareeya Sirdoonka Ethiopia Berhanu Kebede ayaa gaaray Magaalada Hargeysa, waxaana safarkiisa ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Hey’adda Sirdoonka iyo Qunsulka Ethiopia u fadhiya magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegay in Labada dhinac Ethiopia & Somaliland ayaa ka wada hadlaya Arrimaha Amniga gobalka Geeska Afrika & Iskaashiga la dagaalanka kooxaha Argagixisada, inkastoo aysan jirin Howlgalo ay kooxahaan (Argagixisada) ka fuliyaan degaanada Waqooyiga Somalia.

Xiisadaan ayaa soo shaac baxday tan iyo markii uu Hogaanka Somalia ay ku taageertay Egypt Khilaafka Wabiga Niil-ka, Ethiopia ayaa uga carootay in qadiyada ay Somalia uga hiilisey xilli ay labada dal ay deris yihiin, waxeyna bilaawday iney xulafeysi la dhisato Maamulada Mucaaradsan Villa Somalia.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa soo gaaray Magaalada B/weyne waxaana Hogaaminaayay Madaxa Hogaanka Ciidamada Tesfaye Ayalew iyo Madaxa Ciidamada Khaaska ah Mohamed Ahmed, waxeyna Wada hadalo la yeesheen Talisyada Ciidamada ATMI S iyo Taliska Ciidamada Dowlada Federaalka ee Gobolka Hiiraan, waxaana laga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la-dagaalanka Kooxda argagixisada Shababka oo dhibaato Amni ku haya Xadka 2-Dal.

205310cookie-checkMa Dhabaa in Madaxa Sirdoonka Ethiopia uu Ka degtay Magaalada Hargeysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com