Sarkaal Kale Oo Shaqada Ka Tagay

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa laga helayaa shaqo ka tegistii la-taliyihii Amniga ee Ra’iisul wasaarahii hore Mr.Liban A. Hussein, sidoo kalana ahaa madaxa qeybta dib-u-habeynta Ciidamada, kaasoo bilooyin kooban xafiiska joogay….

Qorkaal kooban oo twitter-kiisa uu soo dhigay ayuu Mr.Liibaan ku sheegay inuu shaqada ka tegay, hase yeeshee ma sheegin sababta, inkasta oo warar qaarkood ay sheegayaan inuu cadaadis kala kulmay la-taliyaha Madaxweynaha ee amniga qaranka.

Liban A. Hussein ayaa shaqada kala wareegay Mrs.Samiira Gate oo xafiiska ka tagay xilliga laga joogo wax ka yar sedax bilood, waxaana shaqa ka tegistiisa ay iftiimineysaa inuu jiro culeys xoogan oo madaxtooyadu ay soo saartay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wixii ka dambeeyay markii uu meesha ka baxay Ra’iisul Wasaarihii eeday diidanaankiisii waqti kororsi loo sameeyo hey’adaha dowladda.

Horay waxaa shaqada uga tegay agaasimhii xariirka iyo warfaafinta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kadib markii la faray inuu ka shaqeeyo gadista fikirka la xariira doorasho qof iyo cod ah oo dad badani aaminsanaayeen inay aheyd waddo loo marayo mudo kordhin.

57180cookie-checkSarkaal Kale Oo Shaqada Ka Tagay