Oday Dhaqameed Loo Diiday Degaankiisa

Somalia news

Wararka naga soo gaaray a Magaalada Boorame Ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ay udiideen in degaanadeeda uu kusoo laabto Ugaaska guud ee beelaha gobolka Awdal, Ugaas Abdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, oo la filayay inuu safar lug ah dhinaca Ethiopia kaga yimaado iyadoo aad loogu diyaar garoobayay soo dhowayntiisa…..

Somaliland waxay gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u badan ku daabushay xadka dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia iyo gobolka Awdal, si ay uga hortagto Ugaaska inuu tago magaalada Borama.

Talabadaan waxay dhalisay inay boqolaal shacab ah oo ka caraysan amarada Maamulka ay isku dhacaan ciidamada amniga Borama, waxaana ciidanka dhaawac ugeysteen dhowr kamid ah dadkii mudaharaadayay.

“Waa ayaan darro markii saakay salaadiinta dhaqanka iyo bulshadii reer Awdal ay usoo baxeen inay soo dhoweeyaan Ugaaskooda, lagu wargaliyay in Ugaaska aanu soo gali karin Somaliland. Ciidamo bilays ah iyo milatari ah ayaa nalasoo duldhigay, waxaana amar nala ku siiyay in Ugaasku imaan Karin lanasoo dhowayn karin,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Ugaaska.

57220cookie-checkOday Dhaqameed Loo Diiday Degaankiisa