Shabaabka Oo Oday Dhaqameed Caleemo Saaray..

Uncategorized

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Xaflad ay soo qabanqaabiyeen Horjoogayaal ka tirsan Kooxda argagixisada Shabaabka laguna qabtay degmada.

Xafladaan ayaa la sheegay in lagu caleemo saaray Oday dhaqmeed degmada u dhashay laguna magacaabo Daa’uud Xasan Aadan inuu noqdo Suldaanka Guud ee Beesha Waceysle, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay Waxgarad iyo dadweyne, iyadoo loogu doortay Xilkaasi.

Degaanada hoos yimaada Degmada Ceeldheer ee hoos taga oo muddo dheer ay maamulkeeda ay gacanta ku hayeen Kooxda Shabaabka ayaa lagu wargeliyay iney ka amar qaataan Suldaanka cusub, isagoo la gudoonsiiyay Hadiyado ay ka yihiin Kitaabka Qur’aanka, Faras, Gaari Prado ah, Ak-47, qasnado rasaas ah iyo Calanka Kooxda.

15640cookie-checkShabaabka Oo Oday Dhaqameed Caleemo Saaray..