Saaxiibada Somalia Oo Qoraal Ka Soo….

Uncategorized

Wakiilada Caalamka ee daneeya Arrimaha Somalia ayaa war-qoraal ah ku sharaxay mowqifkooda ku aadan sharciga muranka xoogan dhaliyay ee doorashooyinka Somalia.

Ugu horey waxey ku dhawaaqeen iney taageersan yihiin qaabka ay u socoto diyaar-garowga loogu jiro coddeyntu qorshuhuna yahay iney Dalka uu ka qabsoomo doorasho 2020/21, Deeq bixiyayaasha ayaa si cad ugu adkeystay baahida loo qabo In xeerka uu noqdo mid xeerinaaya in Doorashada ku qabsoonto wakhti teeda.

Ka hor bayaankaan xubno ka socda saaxiibada Caalamka ayaa la kulmay dhinacyada ay doorshada khuseyso, Sida Guddiga Doorashooyinka, 2-Aqal, Boliiska iyo xubno kale, iyadoo kulamadaasi diirada lagu saaray in Sharciga la ansixiyo ka hor inta uusan dhamaan kalfadhigga, Miisaaniyada iyo Waxyaabaha suurtogelin kara in Doorashada noqoto mid la hubiyay.

Hi se-sharciyeedka doorshooyinka oo ay ka soo horjeedaan qaar ka mid ah Maamulada Dalka, ayaa haatan horyaala Aqalka Sare, kadib markii uu ka gudbay Golaha Shacabka, Daneeyayaasha ayaa ku adeekyay ahmiyada ay leedahay In xal loo helo caqadaha iyo Qodobo uu mad-madow ku jiro oo ka mid ah Sharciga.

Qodobada farta lagu fiiqay waxaa ka mid ah:-

-Qeexitaanka degaan doorasho.
-Qoondada kuraasta Aqalka sare.
-Horumarka laga sameynaayo yoolka Qof iyo cod.
-Qoondada Haweenka ee 30%.
-Metelaada Gobolka Benadir
-Metelaada Somaliland.

“Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka inuu dhameystiro sharci la dhaqan gelin karo dib u dhac la’aan si looga fogaado khatarta xasilooni darro siyaasadeed”, Ugu dambeyntii waxey sheegeen iney diyaar la yihiin teegeero farsamo iyo mid dhaqaale.

13650cookie-checkSaaxiibada Somalia Oo Qoraal Ka Soo….