Garabyada Maamul Ee Dhuusa mareeb Ku Loolamaaya..

Uncategorized

Labada garab ee maamul dhawaana looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa bilaabay inay ku xifaaltamaan, sidii loo sii wadi lahaa shaqada Maamulka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa waxay Khamiistii amartay in Golaha Wasiirada Galmudug ay yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb, si ay u sii wadaan shaqada maamulka.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay inay Golaha Wasiirada yimaadaan Dhuusamareeb, si ay u soo wadaan shaqada, illaa iyo inta uu Madaxweynuhu ka soo magacabayo Golaha Wasiirada.

Amarkan ayaa waxaa ka sii horeeyay mid uu Arbacadii soo saaray Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), garabka Dowladda Federaalka Somaliya.

Amarka Qoorqoor ayaa ahaa inay si deg deg ahi Golaha Wasiirada Galmudug ku yimaadaan Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, si ay u sii shaqeeyan, inta uu ka soo magacabayo Golaha Wasiirada cusub.

Ma cadda sida ay Golaha Wasiirada Galmudug uga jawaabi doonaan awaamiirta kaga timid labada maamul, ee ka wada arrimiya Magaalada Dhuusamareeb.

Tiro yar oo ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa waxay Magaalada Gaalkacyo ku wehlinayan, Axmed Ducaale (Geelle), Madaxweynaha weli talada Galmudug haya.

Wasiiradan oo 13-kii bishii October ee sanadkii 2018 uu soo magacaabay Madaxweyne Xaaf ayaa kala joogga Magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Nairobi.

15670cookie-checkGarabyada Maamul Ee Dhuusa mareeb Ku Loolamaaya..