Shababka Oo Dagaal Kula Wareegay Degaanada Mahadaay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal galabal dhici galabta Ka Dhacay Degaanka Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe qiyaastiina 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxda Shababka sida ay sheegayaan dad goob joog ah oo halkaasi ku sugan…..

Wararka ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Shababka ay galabta casar gaabadkii dhowr jiho ka soo weeraray degaanka Mahadaay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Kooxda argagixisada iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ee degmadaas ku sugnaa, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xogtaan ayaa sheegtay in ciidamada dowladda magaalada laga saaray ayna isku uruursanayaan saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee Rasaasta oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay.

101790cookie-checkShababka Oo Dagaal Kula Wareegay Degaanada Mahadaay