Cakirnaanta Siyaasadeed Ee Xaalada Dalka Oo Horseedi Karta Burburka Nidaamka Dowladeed

Somalia news

Xaalad Cakirnaan ah ayaa ku timid geedi socodka Nidaamka Dowladeed oo curdunka, kadib markii heshiis laga gaari waayay doorashada Somalia, Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday ayaa Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug culeys ku saaray inay diidaan shirka xallinta caqabadaha doorashada ee Wakiilada Beesha Caalamka ay garwadeenka ka tahay taasoo la Qorsheeyay in lagu qabto Xeyndaabka garoonka diyaaradaha…..

Aqoonyahannada ku xeel Dheer Arrimaha Somalia ayaa aaminsan in Danjiraha USA, Wakiilka UN-ka Ee Somalia iyo Ergayga AU-da Ee Somalia ay Mas’uul ka yihiin cakirnaantaan siyaasadeed Ee xiligaan Dalka cagta saaray, waxaana lagu Eedeeyay iney u seeto dheereeyeen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo inuu u dhaqmo sidii Kaligii-Taliye isla markaasna ku tunto shuruucda iyo Nidaamka Federaaleynta Somalia.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan oo fahamsan rahanta loo heysto Lafta-gareen iyo Qoor-qoor ayaa taleefoon uu Farmaajo kula hadlay ugu sheegay inuu si deg-deg ah ugu yeero labadooda si ay shirka uga qeyb galaan, ha yeeshee Farmaajo oo doonaya inuu taako kale u dhigo shirka ayaa ka dalbaday James Swan inuu tabashadooda dhageysto, maadaama uu horay u dhageysan jiray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Swan oo arrintaas ka carooday ayaa ku war geliyay Farmaajo inay beesha caalamku qaadan doonto qaraar muhiim u ah doorashada hadii uusan wax ka bedel ku sameyn qorshihiisa carqaladeynta doorashada wuxuu u gudbiyay digniin Kama dambeys ah iney ka soo qeyb galaan Kulanka Afisioni.

Sheekh Axmed Madoobe iyo Mr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa iyaguna waxey Wakiilada Beesha Caalamka ku cadaadinayaan in shirka la qabto, ama la fasaxo si ay ugu laabtaan dowlad gobaleedkooda, marka ay diyaar garoobaan dhinacyada kalana loo yeero. Labada madaxeyne gobaleed ayaa danta ugu weyn ee arrintaan ka leeyihiin waxay tahay in dab ay kusii shidaan carada iyo culeys ka James Swan, dhammaan adduunyaduna tusiyaan damaca Farmaajo ee doorasho diidka ah iyo kursi isku koolleynta wakhtiga ku lumiyo.

Dhanka kale Dowladaha Qatar iyo Turkiga oo si hoose ula safan Farmaajo, kuna dadaalayaan ka guul gaaridda qorshaha xagal daacinta qabashada doorasho la isla oggolayahay, ayaa dooneysa inay hoggaanka sharciyaddu ka dhamaatay iyo Midawga musharrixiinta u furto wada-hadallo ay bannaan joog ka yihiin madaxda dowlad gobaleedyada Puntiland iyo Jubaland si meesha looga saaro isku xirtaanta ladabaas dowlad gobaleed iyo midawga musharrixiinta, Farmaajana loogu abuuro fursad uu dalka kusii heysan karo doorasho la’aan ama uu ku qabsan karo doorasho isaga uun uu isla tartamayo.

Lama oga sida wax noqon doonaan, ha yeeshee waxaa dadka ka faallooda arrimaha cakiran ee Somalia ay qabaan in geeda isku aadintii maamulka waqtigiisu dhamaaday ay dhamaatay wixii markaan ka dambeeyana ay suura-gal tahay in beesha caalamku qaado tillaabo aan ka farxin oo ay kamid noqon karto in ciidamada AMISOM laga qaado Villa Somalia, in dhammaan ciidanka qalabka sida la faro inaysan ka amar qaadan, in Farmaajo iyo dhammaan inta ku caawineysa carqaladeynta doorashada lagu soo rogo cunaqa-bateyn safar, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

101700cookie-checkCakirnaanta Siyaasadeed Ee Xaalada Dalka Oo Horseedi Karta Burburka Nidaamka Dowladeed