Villa Somalia Oo Si hoose looga wado Magacaabista Xilalka Hey’adaha Dowladda

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Xarunta Madaxtooyada uu wali ka socda isbedelka Shaqaalaha Rayidka ah, waxaana isbedel lagu sameeyey jagooyinka ay hayeen 3-Mas’uul, Madaxweynaha ayaa qaar ka mid ah Dhalinyaraddii Ololaha lasoo gashay ku abaal mariyay…

Wuxuu Wareegto ku magacaabay Hantidhowraha Guud ee MJFS, isagoo u xushay Sucaad Yuusuf Salaad, oo degaan kasoo jeedaan Beesha Wasiirka Qorsheynta Somalia Mr, Beene-Beene oo kamid ah saaxiibada dhow ee Madaxweynaha, halka La-taliyaha Haweenka iyo Xuquuqda Isnsaanka uu u magacaabay Muna Cumar Xasan Waqooyiga Somalia ka soo jeeda, horeyna uga soo shaqeysay wariyenimo kadibna Senator.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Adeegga guud ee Madaxtooyada, waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Khaliif, oo ka mid ahaa dadka taageersanaa Madaxweynaha, halka Mr.Xuseen Yuusuf Ladane, waxaa loo magacaabay Agaasime waaxeedka Qorsheynta iyo Isku duba-ridia Siyaasadda ee Madaxtooyada, horey taageere u ahaa.

209530cookie-checkVilla Somalia Oo Si hoose looga wado Magacaabista Xilalka Hey’adaha Dowladda