Horjoogayaasha Kooxda argagixisada Shababka ayaa la sheegay iney soo amaro Dadka looga joojinaayo iney qaataan Talaalka Covid-19, gaar ahaan Nooca ay soo saarto Shirkadda AstraZeneca, Sida ay ku baahiyeen saxaafada dhanka Online-ka Ee kooxdu maamusho…
Horjoigayaasha Kooxdani oo war saxaafadeed ka soo saaray dhibaatada Cudurkaan ayaa rumeysan in talaalka ay waxyeeladiisu ka badan tahay faa’iida laga helaayo, waxaana Qoraalkaan soo saaray Xafiiska (Markaska) u qaabiksan kooxda Siyaasada iyo Arrimaha Gobolada.
Inkastoo tiro badan oo ka mid ah Horjoogayaal iyo Maleeshiyaadba uu haleelay Cudurka kuwaasoo qaarkood u geeriyooday isla markaasna uu saameyn weyn ku yeeshay degaanada ay maamulaan ayaa haddana soo saaray Warar iska Khilaafsan oo ku Aadan Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus Iyo Saameyntiisa.