Kulankii Wadatashiga Doorashada Oo Lagu Heshiiyay

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Kulamadii wada tashiga ahaa oo shalay hakad ku jiray ayaa la sheegay in Wakiilada Beesha Caalamka ay ku guuleystay iney dhinacyada isku haya ay dib u bilaabaan Kulamadii looga arrinsanaayay Khilaafka Doorashada iyo sidii looga gudbi karo….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in la isla ogolaadey in lagu kulmo Afisyooni khamiista todobaadkaan kadib markii Wakiilada Beesha Caalamku ay shalay iyo xalay la kulmeen Madaxda Dowlada Federaalka ee Wakhtigoodu dhamaadey iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Mr.Farmaajo uu ku adkeystay in la isugu yimaado kulankii uu isaga ka bilaabay Afisyooni, Balse Wakiilada Beesha Caalamku waxay la kulmeen Wasiirka 1-aad. Iyagoo u sheegay in la isugu yimaado kulanka ay bilaabeen Shanta Madaxweyne.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamku ayaa waxey damaanad qaadeen in Amaanka goobta Shirka ay gacanta ku haynayaan Amisom oo aan loo oggolaan doonin ilaalada tirada Ee Hubeysan kuwaasoo ay kala wataan dhinacayaan.

106440cookie-checkKulankii Wadatashiga Doorashada Oo Lagu Heshiiyay