Qofku Ma Baahan Yahay Inuu Helo Vitamin D

Somalia news

Khubarada Ku Xeel dheer Caafimaadka Dadka ayaa isku raacsan in Vitamin D uu jirka Qofka u baahan yahay kaasoo ka caawini kara Cuduro badan haba ugu weynaadee Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus kaasoo sanadkii ugu dambeeyay fara ba’an ku haya Shucuubta ku kala nool 5-ta Qaarakood oo Aduunkaan ka kooban yahay…

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Vitamin D, uu muhiim u yahay lafaha, ilkaha iyo muruqyada. La’aantiina waxay horseedi kartaa cudur lafaha ah ee loo yaqaan ‘rickets’ oo carruurta ku dhaca iyo xaalad la mid ah daciifnimada lafaha oo iyana loo yaqaan osteomalacia, oo dadka waaweyn ku dhacda.

Hase yeeshee Seynisyahannada oo xagga Caafimaadka ayaa aaminsan in Vitamin D uu door muhiim ah ka qaato sare u qaadidda difaca jirka, sidaa darteed waxaa suurtogal ah inuu la dagaalami karo Virus-ka sida Covid-19.

Muxuu yahay vitamin D?

Vitamin-D waxaa loo yaqaanaa “Vitamin iftiinka qoraxda”, sababtoo ah waa nafaqada keliya ee jirkaaga uu helo marka uu maqaarkaaga qoraxda iftiinkeeda ku dhaco, wuxuu kaa caawiyaa in jirkaaga uu safiican u qaato maadooyiinka calcium iyo phosphate, oo ah nafaqooyinka qof ka caawinaya inuu helo ilko, murqo iyo lafo caafimad qaba.

Soomaalida ku nool Dalalka Reer galbeedka ayaa la sheegay in tiro badan uu haleelay Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus sababo la xiriira qorax La’aan, iyagoo sidoo kale ka gaabiyay iney qaataan talooyinka Caafimaad Ee Dhakhaatiirta kula kula taliya iney qaataan Vitamin D, maxaa yeelay Isbedelka cimilada haba ugu horeyso Mugdiga uu kaalin weyn ka qaato hoos u dhaca difaaca Jirka, taasoo loo sababeeyo Qorax La’aan muddo dheer socota. Waxaana lagula taliyaa iney qaataan Vitamin D.

106380cookie-checkQofku Ma Baahan Yahay Inuu Helo Vitamin D